Wednesday 18 February 2015

Crostata (Doolsho Malmalaaddo







'Halkan ka baro sida aad u sameyn laheyd Crostata Doolsho Malmalaado.
waxaan rajeynayaa in uu idin qancin doono


Maqaaddiirta:
(QW waa qaaddo weyn – midda cuntada lagu cuno; qy waa qaaddo yar)
(1 koob = 237 mL = 2.4 dl; 1 QW = 15 mL; 1 qy = 5 mL)


    Soo’da #1:
    • 1 koob (200 g) Sokor cad
    • 1 koob (250 mL) Buuro aan cusbo lahayn (la jilciyay)
    • 1 Ukun (weyn)
    • 1 Shaharka ukunta
    • ½ qy (2.5 mL) Qamiir
    • 1 qy (5 mL) Faniilla
    • 3 koob (420 g) Bur cad
    • ¼ qy (1.25 mL) Cusbo
    • 1 koob (237 mL) Malmalaaddo
    Soo’da #2:
    • 1 koob (200 g) Sokor cad
    • 1 koob (250 mL) Buuro aan cusbo lahayn (la jilciyay)
    • 2 Ukun (weyn)
    • 1 qy (5 mL) Faniilla
    • ½ qy (2.5 mL) Qamiir
    • 3 koob (420 g) Bur cad
    • ½ koob (100 g) Aalmond (shiidan)
    • ¼ qy (1.25 mL) Cusbo
    • 1 koob (237 mL) Malmalaaddo
    Diyaarinta:



    Soo’da koowaad ee diyaarinta doolsho malmalaaddada


    1. Buurada iyo sokorta makiinad ku qas muddo 3 daqiiqo.
    2. Ku dar ukunta, qamiirka (baking powder), faniillada iyo cusbada (haddaad ku dareysid). Qas muddo 1 daqiiqo.
    3. Burka ku dar, kaddibna daqiiqad kale qas.
    4. Cajiinka labo u qaybi: ⅓ iyo ⅔.
    5. Gabalka weyn laba bac dhexdooda geli, kaddibna u fidi wareeg 13″ (33 cm) ah. Qaboojiyaha geli muddo hal saac.
    6. Gabalka yar laba bac dhexdooda geli, kaddibna u fidi wareeg 11″ (28 cm) ah. Qaboojiyaha geli muddo hal saac. Markaad diyaar noqotid inaad isticmaashid, u jar gaballo dhaadheer oo balacooda yahay ⅔ ” (2 cm).
    7. Gablkaweyn bacda hal dhinac ka fiiq, birtana ku geddi. Cajiinka si tartiib ah faraha hoos ugu riix, kaddibna bacda ka wada fiiq.
    8. Malmalaaddada ku shub ee kuwada fidi.
    9. Gabalada dhaadheer ku qurxi, sida aad ka arki kartid sawirka ama fiidiyaha. Ku dub foorno lasii kululeeyay 380°F/193°C muddo 35 daqiiqo.



    Waa diyaar in foornada la geliyo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Soo’da labaad ee diyaarinta doolsho malmalaaddada


    1. Sokorta iyo buurada isku dar, si fiicanna u qas muddo 6 daqiiqadood. Markaas kaddib, ukunta, qamiirka (baking powder) iyo faniillada ku dar. Qas muddo 2 daqiiqo.
    2. Burka iyo looska la shiiday ku dar.
    3. Si fiican u qas.
    4. Cajiinka labo u qaybi: ⅓ iyo ⅔.
    5. Buuro ama saliid mari bir foorno oo cabbirkeeda yahay 11″x14″ (28×35 cm). Gabalka weyn ee cajiinka ku fidi birta.
    6. Malmalaaddada ku shub ee kuwada fidi.
    7. Miiska aad ku shaqeynaysid waxaad ku firdhisaa in yar oo bur ah. Cajiinka yar gabal ka soo gooso.
    8. Gabalka aad soo goosatay ka dhig sida xarig oo kale.
    9. Doolshaha waxaa dusha ka saartaa xargaha cajiinka. Ku dub foorno lasii kululeeyay 380°F/193°C muddo 35 daqiiqo.



    Waa diyaar in foornada la geliyo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo






    Doolsho Malmalaaddo

    Halkan ka daawo iyada oo Duuban


    Custard (Labaniyad)


    Wax badan ayaa nalaga codsaday inaan soo gelinno sida loo sameeyo labaniyadda, waxayse nala tahay in badi dadka naga codsadeen ay filanaayeen inaan ka sameeyno “custard powder”-ka gasacyada ku jira. Haddaysan ukun ku dhibeeynin, ma jirta sabab kaa reebeeysa inaad sameeysatid labaniyadda asalka ah. Midda asalka ah way fududdahay, waxay ka kooban maqaaddiir aad u yar, wax badanna ayay ka macaan badan tahay tan diyaarka ah. Labaniyadda waa macaan kuleeyl iyo qaboow labadaba ku fiican. Waxyabaha aan ku jecel nahay soo’daaan waxaa ka mid ah sida looga sameeyn karo dhowr nooc oo kala duwan. Haddii aad waraangada ka yareeysid ama kaba dhaaftid, kuleeylna ku cabtid, waxaa sameeyn kartaa cabitaan aad u fiican waqtiyada qaboobaha. Cabitaankaas wuxuu kaloo aad u fiican yahay markii hargab (duray) kugu dhaco oo aad u baahan tahay wax kulul oo nafaqo leh inaad cabtid. Haddaad doontid waxaa ku darsan kartaa shukulaato, middaas oo cabitaanka sii fiicnaynaysa. Labaniyadda marna kama xiiso dhacno, sababtoo ah waxaan isticmaalnaa dhowr waxyaabood oo kala duwan oo aan ku carfinno labaniyadda. Waxaan ku darnaa faniilla, ama waxaan ka sameeynaa caano lagu kariyay qolofta oranjada. Markaan ka dhigeeyno cabitaan kulul, waxaan ku darnaa sanjabiil, dhegayare, iyo qorfe. Waqtiyada qaarkood waxaan ku darnaa hayl shiidan, korna waxaan uga qurxinnaa loos. Waxaa jira maalmo aan jecelnahay inaan caraf dhanba ka dhaafno. Labaniyad la qaboojiyay haddaad furuut la jarjaray korka uga dartid, wuxuu kuu noqonaayaa furuut aad u macaan


    Maqaaddiirta:
    (QW waa qaaddo weyn – midda cuntada lagu cuno; qy waa qaaddo yar)
    (1 koob = 237 mL = 2.4 dl; 1 QW = 15 mL; 1 qy = 5 mL)
    • 4 Shaharka ukunta , Weyn
    • 4 QW Sokor cad
    • 3 QW Waraanga
    • 2 koob Caano
    Labaniyad Shukulaato leh:
    • 4 Shaharka ukunta , Weyn
    • 6 QW Sokor cad
    • 3 QW Waraanga
    • 3 QW Shukulaato boolboro
    • 2 koob Caano

    Kala saar shaharka iyo xabka ukunta




    Waraango iyo kakaaw



    Diyaarinta:

    Sida loo sameeyo labaniyadda
    1. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta
    2. Sokorta ku dar
    3. Waraangada ku dar
    4. Si fiican isku qas
    5. Caanaha digsi yar ku shub. Dab dhexdhexaad ah saar
    6. Ku shub nus koob caanaha aad kululeeysay. Si fiican isku qas
    7. Ku shub ukunta aad qastay
    8. Walaaqidda ha ka joojinin ilaa ay ka culusaato
    9. Weelka aad ku qaddimaysid ku shub intay kulushahay


    Labaniyad






    Sida loo sameeyo labaniyadda shukulaatada leh

    1. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta
    2. Sokorta ku dar
    3. Waraangada ku dar
    4. Kakaawga ku dar
    5. Si fiican isku qas
    6. Caanaha digsi yar ku shub. Dab dhexdhexaad ah saar. Ku shub nus koob caanaha aad kululeeysay. Si fiican isku qas
    7. Ku shub ukunta aad qastay adigoo miire isticmaalaysa
    8. Walaaqidda ha ka joojinin ilaa ay ka culusaato
    9. Weelka aad ku qaddimaysid ku shub intay kulushahay


    Labaniyad shukulaato leh




    Labaniyad shukulaato leh




    Labaniyad shukulaato leh




    Labaniyad shukulaato leh




    Labaniyad shukulaato leh

      

    Monday 9 February 2015

    Qatayef with Cream (Qataayif Qishta Leh)





    Halkan ka baro sida loo sameeyo  Qatayef with Cream (Qataayif Qishta Leh). isaga oo aan si fudud idiin ku diyaarinay sawiro iyo daawasho.
    Daawasho wacan
















    Apple Fritters (Bur Tufaax9



    Bur Tufaax Mukawinaadka: 

    2 koob (280 garaam) bur cad

     ⅓ koob (67 garaam)

     sokor cad 1 qaaddo yar

     (5 mililitir) beekin baawdar

     ½ qaaddo yar (2.5 mililitir) cusbo 

    1 qaaddo yar (5 mililitir) qorfe (shiidan

    ½ qaaddo yar (2.5 mililitir) hayl (shiidan) ⅛ qaaddo yar jows 2 ukun weyn 

    1 koob (237 mililitir) caano fadhi

     ½ koob (118 mililitir) biyo 2 koob (260 garaam

     tufaax cagaaran – ama tufaax kasta oo dhanaan 








    Banana Halwa (Xalwo Muus)



    Nala daawao Banana Halwa Muus sida loo sameeyo.
    halkan hoose ka daawo



















    Sunday 8 February 2015

    Graffe - Italian Donuts (Garaafo) Graffe



    woooooooow nala arag maanta waxaan idiin haynaa Graffe-italian Donuts
    isku day inaad ka faa idaysato.

    Semolina Layer Cake

    Nala  baro sida loo sameeyo Semolina layer cake kaas oo aad ka heli doonto
    aadna u macaan badan bal nala fiirso..



    Thursday 5 February 2015

    Honeycomb Bread (Rooti Shinnidhaab


    Nala daawo sameynta rooti shinidhaab kaas oo aad ka heli doontaan.

    Fried Sweet Dumplings (Bur macaan)


    Halkan waxaan idiinku diyaariyay sameynta fried sweet dumplings ama bur macaan.
    kaas oo tijaabin karto nala fiirso wixi talo ahna noo soo gudbi

    Bread Rolls (Rooti Jilicsan)


    Baro sida loo sameeyo rooti jilicsan oo aad u mancaan kaas oo loo isticmaali karo wax kasta



    Baro cunto karinta afkaaga hooyo

    Waxaan blogg an ugu talo galnay in ay ka faa idaysato bulshada somaliyeed cunto karinta taas
    oo aan idinku soo gudbin doonto cuntooyin casri ah iyo kuwi wadani ah.

    Waxaan maanta halkan idinku soo bandhigaynaa sida loo sameeyo Shushumow daawsho wacan