Wednesday 18 February 2015

Crostata (Doolsho Malmalaaddo







'Halkan ka baro sida aad u sameyn laheyd Crostata Doolsho Malmalaado.
waxaan rajeynayaa in uu idin qancin doono


Maqaaddiirta:
(QW waa qaaddo weyn – midda cuntada lagu cuno; qy waa qaaddo yar)
(1 koob = 237 mL = 2.4 dl; 1 QW = 15 mL; 1 qy = 5 mL)


    Soo’da #1:
    • 1 koob (200 g) Sokor cad
    • 1 koob (250 mL) Buuro aan cusbo lahayn (la jilciyay)
    • 1 Ukun (weyn)
    • 1 Shaharka ukunta
    • ½ qy (2.5 mL) Qamiir
    • 1 qy (5 mL) Faniilla
    • 3 koob (420 g) Bur cad
    • ¼ qy (1.25 mL) Cusbo
    • 1 koob (237 mL) Malmalaaddo
    Soo’da #2:
    • 1 koob (200 g) Sokor cad
    • 1 koob (250 mL) Buuro aan cusbo lahayn (la jilciyay)
    • 2 Ukun (weyn)
    • 1 qy (5 mL) Faniilla
    • ½ qy (2.5 mL) Qamiir
    • 3 koob (420 g) Bur cad
    • ½ koob (100 g) Aalmond (shiidan)
    • ¼ qy (1.25 mL) Cusbo
    • 1 koob (237 mL) Malmalaaddo
    Diyaarinta:



    Soo’da koowaad ee diyaarinta doolsho malmalaaddada


    1. Buurada iyo sokorta makiinad ku qas muddo 3 daqiiqo.
    2. Ku dar ukunta, qamiirka (baking powder), faniillada iyo cusbada (haddaad ku dareysid). Qas muddo 1 daqiiqo.
    3. Burka ku dar, kaddibna daqiiqad kale qas.
    4. Cajiinka labo u qaybi: ⅓ iyo ⅔.
    5. Gabalka weyn laba bac dhexdooda geli, kaddibna u fidi wareeg 13″ (33 cm) ah. Qaboojiyaha geli muddo hal saac.
    6. Gabalka yar laba bac dhexdooda geli, kaddibna u fidi wareeg 11″ (28 cm) ah. Qaboojiyaha geli muddo hal saac. Markaad diyaar noqotid inaad isticmaashid, u jar gaballo dhaadheer oo balacooda yahay ⅔ ” (2 cm).
    7. Gablkaweyn bacda hal dhinac ka fiiq, birtana ku geddi. Cajiinka si tartiib ah faraha hoos ugu riix, kaddibna bacda ka wada fiiq.
    8. Malmalaaddada ku shub ee kuwada fidi.
    9. Gabalada dhaadheer ku qurxi, sida aad ka arki kartid sawirka ama fiidiyaha. Ku dub foorno lasii kululeeyay 380°F/193°C muddo 35 daqiiqo.



    Waa diyaar in foornada la geliyo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo





    Soo’da labaad ee diyaarinta doolsho malmalaaddada


    1. Sokorta iyo buurada isku dar, si fiicanna u qas muddo 6 daqiiqadood. Markaas kaddib, ukunta, qamiirka (baking powder) iyo faniillada ku dar. Qas muddo 2 daqiiqo.
    2. Burka iyo looska la shiiday ku dar.
    3. Si fiican u qas.
    4. Cajiinka labo u qaybi: ⅓ iyo ⅔.
    5. Buuro ama saliid mari bir foorno oo cabbirkeeda yahay 11″x14″ (28×35 cm). Gabalka weyn ee cajiinka ku fidi birta.
    6. Malmalaaddada ku shub ee kuwada fidi.
    7. Miiska aad ku shaqeynaysid waxaad ku firdhisaa in yar oo bur ah. Cajiinka yar gabal ka soo gooso.
    8. Gabalka aad soo goosatay ka dhig sida xarig oo kale.
    9. Doolshaha waxaa dusha ka saartaa xargaha cajiinka. Ku dub foorno lasii kululeeyay 380°F/193°C muddo 35 daqiiqo.



    Waa diyaar in foornada la geliyo





    Doolsho Malmalaaddo





    Doolsho Malmalaaddo






    Doolsho Malmalaaddo

    Halkan ka daawo iyada oo Duuban


    No comments: