Wednesday 18 February 2015

Custard (Labaniyad)


Wax badan ayaa nalaga codsaday inaan soo gelinno sida loo sameeyo labaniyadda, waxayse nala tahay in badi dadka naga codsadeen ay filanaayeen inaan ka sameeyno “custard powder”-ka gasacyada ku jira. Haddaysan ukun ku dhibeeynin, ma jirta sabab kaa reebeeysa inaad sameeysatid labaniyadda asalka ah. Midda asalka ah way fududdahay, waxay ka kooban maqaaddiir aad u yar, wax badanna ayay ka macaan badan tahay tan diyaarka ah. Labaniyadda waa macaan kuleeyl iyo qaboow labadaba ku fiican. Waxyabaha aan ku jecel nahay soo’daaan waxaa ka mid ah sida looga sameeyn karo dhowr nooc oo kala duwan. Haddii aad waraangada ka yareeysid ama kaba dhaaftid, kuleeylna ku cabtid, waxaa sameeyn kartaa cabitaan aad u fiican waqtiyada qaboobaha. Cabitaankaas wuxuu kaloo aad u fiican yahay markii hargab (duray) kugu dhaco oo aad u baahan tahay wax kulul oo nafaqo leh inaad cabtid. Haddaad doontid waxaa ku darsan kartaa shukulaato, middaas oo cabitaanka sii fiicnaynaysa. Labaniyadda marna kama xiiso dhacno, sababtoo ah waxaan isticmaalnaa dhowr waxyaabood oo kala duwan oo aan ku carfinno labaniyadda. Waxaan ku darnaa faniilla, ama waxaan ka sameeynaa caano lagu kariyay qolofta oranjada. Markaan ka dhigeeyno cabitaan kulul, waxaan ku darnaa sanjabiil, dhegayare, iyo qorfe. Waqtiyada qaarkood waxaan ku darnaa hayl shiidan, korna waxaan uga qurxinnaa loos. Waxaa jira maalmo aan jecelnahay inaan caraf dhanba ka dhaafno. Labaniyad la qaboojiyay haddaad furuut la jarjaray korka uga dartid, wuxuu kuu noqonaayaa furuut aad u macaan


Maqaaddiirta:
(QW waa qaaddo weyn – midda cuntada lagu cuno; qy waa qaaddo yar)
(1 koob = 237 mL = 2.4 dl; 1 QW = 15 mL; 1 qy = 5 mL)
  • 4 Shaharka ukunta , Weyn
  • 4 QW Sokor cad
  • 3 QW Waraanga
  • 2 koob Caano
Labaniyad Shukulaato leh:
  • 4 Shaharka ukunta , Weyn
  • 6 QW Sokor cad
  • 3 QW Waraanga
  • 3 QW Shukulaato boolboro
  • 2 koob Caano

Kala saar shaharka iyo xabka ukunta




Waraango iyo kakaaw



Diyaarinta:

Sida loo sameeyo labaniyadda
  1. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta
  2. Sokorta ku dar
  3. Waraangada ku dar
  4. Si fiican isku qas
  5. Caanaha digsi yar ku shub. Dab dhexdhexaad ah saar
  6. Ku shub nus koob caanaha aad kululeeysay. Si fiican isku qas
  7. Ku shub ukunta aad qastay
  8. Walaaqidda ha ka joojinin ilaa ay ka culusaato
  9. Weelka aad ku qaddimaysid ku shub intay kulushahay


Labaniyad






Sida loo sameeyo labaniyadda shukulaatada leh

  1. Kala saar shaharka iyo xabka ukunta
  2. Sokorta ku dar
  3. Waraangada ku dar
  4. Kakaawga ku dar
  5. Si fiican isku qas
  6. Caanaha digsi yar ku shub. Dab dhexdhexaad ah saar. Ku shub nus koob caanaha aad kululeeysay. Si fiican isku qas
  7. Ku shub ukunta aad qastay adigoo miire isticmaalaysa
  8. Walaaqidda ha ka joojinin ilaa ay ka culusaato
  9. Weelka aad ku qaddimaysid ku shub intay kulushahay


Labaniyad shukulaato leh




Labaniyad shukulaato leh




Labaniyad shukulaato leh




Labaniyad shukulaato leh




Labaniyad shukulaato leh

  

1 comment:

farickayarberry said...

Play at the Casino at Slots.lv
Slots.lv Casino. Sign up today and we will help 페이 백 먹튀 you 수 있습니다 win real money! Read our Casino 바카라 양방 Slots.lv 텍사스 홀덤 룰 Casino 스포츠 무료중계 Review and Claim Your Bonus.